Dhallinyarada qaba Luqadaha, UMS, waa urur ay leeyihiin dhallin-yarada qaba cillad luqadeed. Waxa kaliya ee looga baahan yahay xubin ka noqoshada waa inaad u dhexaysa 13 – 30 sano jir.
Ma jirto wax shuruud ah oo ah inaad leedahay cillad xagga luqadda ah si aad xubin uga noqoto, laakiin ururku wuxuu ugu horreyn wax ka qabtaa dhalinyarada qaba cilladaha luqadda.
Ujeedada ururkan ayaa ah in bulshada dhexdeeda lagu faafiyo aqoonta ku saabsan dhibaatooyinka luuqadda, si loo horumariyo da’yarta afxumada qaba iyo in anaga oo af-xumo qaba aan la kulanno oo aan isbarano.
Dhalinyaro qaba Xanuunka Luqadda waa urur la abuuray iyadoo ay taageerayaan xiriirka waalidka, Xiriirka Qaranka ee DHB.